Hordhac ( Introduction )
Balwad, markaan ka
hadlayno waxaa niyadaada ku soo dhacaaya, Sigaar, Jaad, Khamri, Xashiish iyo
wax yaabo kale oo naftaada dhaawacaaya, Maanta Maqaalkeena waxaa Kaga Bogan
doontaan Balwadaha Guusha, Kahor warbixinta Hadii ay jiraan Mowduucyo si gaar
ah Kuu taabanaaya oo Jeceshahay in aan Ka soo Hadlo Fadlan commentiska iigu reeb.
……………………………………………………………………………………………………………………………………
Waxaa Jira Balwaddo
ama hiwaayado Badan oo Ku gaar siinaaya Guul, Balse maanta waxaan soo qaatay Sadex
Balwad oo muhiim u ah inaad yeelato si aad u gaarto guul iyo hormar kaa sara
mariya halka aad maanta joogto.
Sidoo kalena kaa
dhiga mid ka dhex muuqda dadka, kana tilmaaman fikir ahaan, caqli ahaan iyo
dadnimo ahaan.
Ka so kay maqaalka
waxaan kaa codsanaayaa inaad war bixinadaan iyo bogeenaba aad u share garaysid
asxaabtaada kuwa aad is leedahay way jecelyihiin wax aqriska sidoo kalena aad
is leedahay way xiisaynayaan mustaqbalka inay guulaystaan ayagoo is ticmaalaaya
fikradahaan lasoo dharaan dhiriyay, cilmi ahaan iyo khibrad ahaan.
……………………………………………………………………………………………………………………………………
Maqaalka ( The Article )
Balwadda koowaad: Kicidda waqti hore.
Ka muslm ahaan waxaa
jira xigmad noo gaara oo ilaahay naagu tala galay nooguna sheegay diinteena oo
ah ku tukashada salaadda subax jamaacada, taas ayaa waxa ay kuu suura galinaysaa
inaad waqti hore ka kacdo hurdada.
Ka kacidda hurdada
waqti hore waxa ay kuu sahlaysaa inaa qabsatid shaqo maalmeedkaaga soona
gudatid wax yaabo kuu qorshaysan inaa qabato subaxaas, laakiin hadaa ku daahdo hurdada waxaa kaa lumaaya
hadafka sidoo kale waqtigaagana waxa uu galayaa ciriiri kaa hor istaaga inaad hadaf dhamays tirtid
ama shaqo kuu taalay aad ku dhamayso sidii aad ugu tala gashay.
Hadafka balwadaan aan
kuula wadaagaayo waxa ay tahay waxaa jirta in maskaxdeena 20 ka daqiiqo ee ugu horaysa subixii ama
markaad hurdada ka kacdo ay ku wanaagsan tahay inaad wax qorshaysatid ,wax ku
xafidid, waxna ku maamushid.
Tusaale
Soo xasuuso waqtigii
dugsiga, waagaaga markuu baryo maskax ahaan sidee ahayd, galabkeena sidee baad
ahayd.
Marka aan soo
xasuusano waqtigeena dugsiga casharada hor u jeedka ama casharka cusub ee aad
qaadato galabkii way kugu adkaanaysaa inaad isla galabkaas aad xif diso balse
markii aad seexato subixiinaa aad waqti hore soo kacdo, waxaad arkaysaa aqriska
koowaadba inaad ku xifdinaysid casharkaas, waana sababta waqti hore loo dooray
in la kaco si aad oga faaidaysatid hantida maskaxda ee alle ku siiya.
Sidoo kale waxaa la
dhahaa irsaaqda xitaa waxay ay noqotaa mid waasac ah qofka markii uu joogteeyo
soo kicida subaxdii waqti hore.
Sidaa owgeed hurdadaada yaysan kaa lumin guushaada
……………………………………………………………………………………………………………..
Balwada Labaad: Wax Aqriska
Inaa wax aqriso waxa
ay kuu suurto galinaysaa inaad barato wax badan, midaan ayaa keenaysa inaa
fahanto micnaha nolosha, maxaa yeelay waxaa aqrinaysaa qoraalo ama buugaag kala
duwan ay ku qaron yihiin cilmiyo farabadan.
Markaa cilmi badan
taqaanid waxaa kuu saaidaaya xir fadaada inaad ka miro dhaliso .
Sidaa darteed aqri
inta aad awoodo, si gaar ah waxa aad hibada u leedahay si yaadso maalinkastana,
wax ku dar qorshaysana inta waqti ee aad wax aqrinaysid.
Maxaa yeelay wax ay
tani kuu fudaydinaysaa inaad qabsato waxa aad qoratay sida ay tahay.
Sidoo kale waxaa la
dhahaa maskaxda qofka markii la rabo in la isticmaalo waxaa lagu balaariyaa wax
aqriska, waxaan la sheegaa markasta oo aad wax aqrisid waxaa siyaado noqonaaya
awooda maskaxda muuqaal ahaan, intifaac ahaan iyo fikir ahaanba.
Wax aqrisku waa
muhiim ka faaidayso waqtigaaga.
Inta aanan u gudbin
dabeecada ama balwada sedexaad fadlan ha iloobin inaa share dhahdo maqaalka
dhamaadkiisa, waxaana hoos ka helaysaa muqaal la xiriira maqaalkaan.
…………………………………………………………………………………………………………………………………………
Balwada sadexaad: Go aan.
Hiwaayadaan waa
muhiim, inaa shay ku dhaqaaqdo waxa uu u baahan yahay, sadex shay
Kow fikir, inaa qaada dhigto, gad gadiso, soo
xooraamiso shay aa jeceshahay inaa qabato
Labo qorshe, inaa
isku aadiso sida ay suurto gal u tahay inaad waxaan u qabato,
Sadex ficil, inaa
samayso waxa aa ku fikirtay aadna qorshaysay.
Sidaa la ajligeed
intaan oo qodob waxa ay ku suurto galaan waa go aan, kaas oo micnihiisu yahay
inay kaa go an tahay inaa hadafkaan gaarto.
Waano, hadii uu jiro
wax niyadaada ama riyadaada ah oo rabtid inaa gaartid haka labo labayn caqabad
kasta oo ko hor timaada isku day inaa ka gudubto, go aan na ka qaadato.
Maxaa yeelay guul
daro waxa ay ku baraysaa sida loo guulaysto ee kaama dhigayso mid aan wax
qaban, sababta oo ah, waxaa guul daraysta qof dadaalay, qof aan howl qaban ma
guul daraysan ee nolosha ayuu ka dhacay.
Ugu dan bayn go aanka
markii laga hadlaayo waxaa la sheegaa in ay muhiim tahay kow inaad ka fikirto
waxa aad qabanayso, una kala saartid labo shay, mid ku xiran awooda alle ku
siiyay ee wax qabadkaaga iyo mid aad alle ka sugaysid un inuu wax ka badalo.
Midka alle aad ka
sugaysid ee aan wali lagu siin awooda aad ku qabanayso u daa asaga balse kana
ad awoodo u kala fiiri waxa ay tahay inaad ka bilowdo yacnii kaad is leedahay
waan kan aad markaas qaban karto, una kala habee sida ay u kala horeeyaan hana
ka fikirin midka danbe adoon kii hore dhamayn.
Sidaas ayaa go aan
lagu qaataa markii laga hadlaayo inaad hiwaayad fiican ku guulaysatid.
aqriste hadii ay
jiraan balwado kale oo aad ogtahay in guul lagu gaaro fadlan comments ka noogu
reeb hana iloobin inaa sii gudbinta bogeena wax soo gudbinta inaad la wadaagto
asxaabtaada ehelkaaga iyo qofkii aad u aragto inuu faaido u yahay mahadsanid.
Maqaal keenana intaas
ayuu ku egyahay maanta. Lasaco kuwa xiga.
Muuqaalka.
0 Comments