Facebook

Responsive Advertisement

Ma ogtahay Aqriste , khilaafka waalidka ama isku buuqa in ay wax yeesho ilmaha maskaxdooda ( Did You Know Parental Conflict Affects Children's Minds)

Ma ogtahay Qaybta 01 aad




Hordhac ( Introduction )

Asalaamu alaykum aqriste, siyaado, waxaan ku soo daray Maqaaladayda mid aan ugu magacdaray ma ogtahay daawade, oo aan kugula wadaagi doono , wax yaabo laga yaabo inaadan ka war hayn dhanka caafimaadka.

Kalasaco marka kasta bogaan Baraamijkaan oo kale, iyadoo aan ku soo qaadan doono lix dhacdo oo hor leh.

 

Kahor maqaalka fadlan ha iloobin inaa fikirkaaga ii reebto qaybta hoose ee comments ka. Sida aa u aragto baraamijka iyo macluumaadka kale ee aan soo galiyo bugaan aan u diyaariyay Somalida inay wax oga faaidaystaan

………………………………………………………………………………………………………………………………

Maqaalka ( Article)

Kow

Ma ogtahay Aqriste in xiliga ugu fiican ee la quraacdo uu yahay halka saac ee subax nimo ilaa afarta barqa nimo , si looga fogaado isku imaanshaha xiliga qadada iyo quraacda.

Sidoo kale waxaa laga dheeraanayaa in aad wax qabsan wayso, caajisto, sidoo kalena aadan dareemin daal, waayo jirka markii cuntada ay isaga daba timaado waxa uu ku mashquulayaa dheefshiidka cuntadaas oo meesha waxaa ku yaraanaaya hab fikirka qofka.





………………………………………………………………………………………………………………………………

Labo

Ma ogtahay Aqriste , qanjirka ugu wayn Qanjiradeena inuu yahay beerka.

Beerku Waa qanjirka ugu wayn ee jirkeena kaas oo qabta shaqooyin aad u farabadan, sida inuu jirka ka saaro wax yaabaha suntan ah ee dhaawici kara hab nololeedkeena dabiiciga ah, sidoo kale waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa dheefshiidka isaga oo nafaqada kasoo saaraaya cunnada aan cunno soona galinaaya dhiigeena, waxa kale oo uu ka qayb qaataa kaydinta fitamiinada ( vitamins) iyo macdanta ( Minerals ) waxa uuna maamulaa sonkorta jirkeena, xayrta jirkeena iyo borotiinada ( Proteins) jirkeena si uu u shaqeeyo.





………………………………………………………………………………………………………………………………

Sadex

Ma ogtahay Aqriste , Afakaadhada (avocado) in sida karootada laga helo vitamin A oo laga faaido aragtida wanaagsan iyo difaaca jirka. Fitamiin eegu (Vitamin A) waxa uu u qabtaa jirkeena shaqooyin aad u badan oo ay ka mid yihiin labada kore ee kala ah, Aragtida iyo difaaca jirka, sidoo kale waxa uu ka taxadaraa, wanaagsanaanta maqaarkeena, tarankeena, koriinshaheena iyo ka ilaalinta jirkeena waxa dhaawici kara unug yada aan leenahay ee aas aaska u ah nolosheena.





………………………………………………………………………………………………………………………………

 

Afar

Ma ogtahay Aqriste , unug yada ugu yar yare e jirka inay yihiin unug yada dhiiga. Dhiigeena waxa uu u qayb samaa dhowr unugu oo midba midka kale ku xiran yahay balse kala shaqo duwan.

Shaqooyinka ay qabtaan unugyada dhiiga waxaa ka mida, Hawada Oxygen tai nay jirka keenaan, midda wasaqda ah ama carbon dioxide ka ay ka saaraan jirka, sidoo kale waxay jirka ka difaacaan dhamaan il ma aragtada jirka ku ridi karta cudurka ama si kooban waxa ay naga difaacaan infectionka, sidoo kale waxa ay jirkeena u sameeyaan xin jirowga oo muhiim u ah markii dhaawac ama dilaac uu jirkeena ku yimaado.





………………………………………………………………………………………………………………………………

 

Shan

Ma ogtahay Aqriste , khilaafka waalidka ama isku buuqa in ay wax yeesho ilmaha maskaxdooda. 

Ilmaha yari aad ayay muhiim ugu tahay in waalidkooda ay ag joogaan ama la noolaadaan ilaa ay ka koraayaan.

Wax yaabaha ay ka helaan agjooga ama la noolanshaha waa lidka waxaa kamida, inay ku dareemaan nabad galyo iyo xasilooni taas oo u keenta inuu si togan u koro ilmahaas yar maskax ahaan.

Waxaa kaloo kamida in ilmaha ay bartaan shucuur ahaan sida ay u sheegtaan markii ay wax dareensadaan ama dhibsadaan.

Sidoo kale maskax ahaan ilmaha waalidka waa meesha ay ka bartaan, hadalka, xiriirka, hab fikirka, xalinta dhibaatooyinka, dhex galida bulshada, isku kalsoonaanta iyo adaabtaba.





………………………………………………………………………………………………………………………………

Lix

Ma ogtahay aqriste , lafta ugu yar ee lafaheena in ay tahay mid ku jirta dhagta oo loo yaqaan stapes afka laatin ka.

Laftan waxa ay qabataa shaqooyin aad u badan marka loo fiiriyo sadexda lafood ee dhagta bini aadamka ku jira.

Shaqooyinka ay qabato laftaan afka qalaad loo yaqaan stapes waxa kamida, inay gudbiso codka marka uu soo gaaro dhagta qofka ayna u samayso gariir abuura hirirka jabaqda ama codka, sidaas ayayna stapeska ku qabataa shaqo kale oo ah inay pressure ama cadaadis ka abuurto dhagta si codka loogu gudbiyo maskaxda.

Laftaan ayaana ah midda fariinta u gudbisa maskaxda qofka maqlay dhawaqa ama codka kuu doono ha ahaadee.

Shaqada kale ee ay qabato dhagtaan waxaa kamida in ay kiciso ama active ka dhigto shaqada timaha dhagta ku yaal kuwaas oo codka na soo gaara ka dhiga kuwa danab ah oo loo gudbin karo maskaxdeena, si qofka uu u fahmo waxa soo gaaray inay yihiin, cod qof ama dhawaq kale oo meel kale ka yimid.





……………………………………………………………………………………………………………………………

Aqriste maqaalkeena maanta intaas ayuu ku egyahay hadaa ka heshay nagu soo biir oo dheego bogeena markasta oo aad u baahato warbixino la xiriira caafimaadka, Macluumaadka xasaasigaa ee cilmi nafsiga iyo aduunka, sidoo kale warbixinada ku saabsan wax yaabaha nolosha qofka dhisa, sida dheera galinta, kobcinta maskaxda, hab fikirka iyo dhaqanka guud, ugu danbayna la wadaag asxaabtaada hadii aad u aragto macluumaadka aan soo gudbino inay yihiin kuwa bulshada wax tar u leh, kuwaas oo dhisaaya hab nololeedkooda ha ahaato aqoon ahaan, cilmi ahaan, maskax ahaan, caafimaad ahaan iyo wax aqris ahaan, waana ku mahadsantahay sida aad waqtigaaga aad u siisay aqriska qoraalkaan.

 

Muuqaalka



Post a Comment

0 Comments