Asalamu alaykum aqriste.
Xaalada ka jirta deegaanka aan joogo oo macquul ah in wadanka qaybo badan oo kamida ay ka jirto ayaa igu kaliftay inaan mowduucaan ka hadlo.
Cabida khamriga waa caado aad u xun oo saamayn ku yeelata qofka cabaaya iyo deegaanka, ha ahaato dhanka dabeecada oo qofka is badasha, qoysaska oo isku xumaada, dilka iyo dhaca oo bata, kufsiga oo baaha, caruurta oo dayacma, faqriga oo bata iyo dhibaatootin maskaxiyan ah oo qofka ku yimaada. Maqaalkeena maanta ayaan si faahfaahsan oga hadli doonaa ee la wadaag asxaabta si ay oga qayb qaataan wacyi galinta xumaanta khamriga iyo muqaadaraadka.
……………………………………………………………………………………………………………………………………
Maxaa ku dhacaaya qofka jirkiisa markii uu khamri cabo?
ugu horaynba markaa aa ka bato khamriga halkaas ayuu ka bilaabanaayaa dhibkiisa caafimaad. Khamrigu waa kala nuucyo duwan yahay lkn saamaynto waa isku mid, magacii doonaba ha loo bixiyo, oo dadka caamada ah ha loo kala duwee.
Markii aan caafimaad ahaan u tago, markasto oo aad cabtid ama ka batid khamriga waxa uu saamaynta ugu horaysa ku yeeshaa qaybta hore ee maskaxda.
Qaybtaan maxay qabataa, maxay tahay shaqada ay jirka u hayso , muxuu yahay isbadalka imaandoonaa hadii shaqadeeda wax iska badalaan.
Qaybtaan hore ee maskaxda jirkeena waxa ay u qabtaa oo qaabilsan tahay dhinaca garashada qofka, Sida dareenka, xalinta dhibaatooyinka, xusuusta,hadalka iyo damaca galmada.
Markii qofku uu cabo khamriga waxaa doorsooma shaqada qaybtaas hore ee maskaxda , dareenkaaga waa is badalaa, tusaale waxaa noqonaysaa qof xanaaq badan oo kacsan dulqaadna aan lahayn.
sidaas markaa noqotid iimaankaaga wuu lumayaa oo isma xadidi kartid waxaana ku kacaysaa falal aan u joogno marwalba oo aan maqalno oo ah dil. Inuu qofkaas wax dilo ama la dilo. Waxaa macquul ah inuu dilo qof maskiin iska ah oo jidka maraayo intay maskaxdiisa fariin qaldan u dirto oo markii qamriga ka baxo uu ka shalaayo. Ama in la dilo oo dadka ay isla cabaayaan maandooriyahaan ay is qoomaan ama is dagaalaan ka dib meeshaas dil loogu gaysto asaga ama uu gaysto. Waxaa jira wax yaabo kale oo keenaaya inuu qofku dhib gaysto sida inuu wax been ah aamino oo ay ka mid yihiin,
qofkii oo meel ka fog joogo inuu u arko inuu indhaha kasoo galaayo oo wuxuu leeyahay sankayga ka hor leexo iyo wax lamida, ama haduu baabuur wado inuu is dhaho baabuur kalaa kugu dhici raba kadibna uu dad ama baabuur kale ku dhufto gaariga iyo waxyaabo badan aa caynkaas ah.
Sidoo kale waxaa dhacaysa qofka in ay xusuusta ka lunto, wax macquul ah mararka qaar inuu garanwaayo wax uu meel dhigtay, qof uu yaqaanay, hanti uu meel dhigtay ama aqoontiisa qaar kamida uuba ilaawo.
Iyadana waxaa meesha ka marnayn hadalka qofka oo la fahmi waayo waxa uu ku hadlaayo, madaama uu ka lumaayo dareemihii xadidi lahaa ama isku dheeli tirnaanta shaqooyinka nervaha iyo maskaxda.
Waxaa kaloo dhibaata wayn ah damaca galmada uu u baahan yahay qofka cabaaya qamriga inuu si qaldan u raadiyo.
kufsi, waa eray iyo dhacdo xanuun badan oo aan in badan ka maqalno warbaahinta ha ahaato tan caalamka ama tan gudaha.
Waa caado dhaawac iyo karaamo daro ah oo aad u xun dhibaato bandan oo dhanka maskax da iyo jirka ahna u keenta qofka loo gaystay. Inta badan dadka falkaan geesta waa dad cabsan sida aan maqalno.
Abwaankii soo maaliyeed waxa uu yiri.
Waa ubad ha daadihin ibtana doob ka ahaane, oo micnaheedu yahay labo mid inaa samayso inaa wax kufsato ama inaa sino gasho oo halkaas cuduro aan daawo lahayn iyo carada ilaahay ka qaadid.
Walaalkayow ama walaashayay iska dhaaf hadii aad balwadaan leedahay kuuma wanaagsana caafimaad ahaan iyo diiniyan ba.
Dhibaatooyin ka kale ee qaybaha kale ee jirka ay u gaysato ayaa ah, dheefshiidka iyo dhacaamada qanjirada inay dhibaato gaarto oo ay soo saaraan xadigii loogu talagalay in ka badan kadib na ganaca dhib soo gaaro oo caabuq ku dhasho qaatana waqti dheer in la daaweeyo qofka. Qofkana uma wanaagsana xanuun ka waxaana dheeri u ah hantidiisa oo ku dhamaanaysa, marka walaal cudur ha raadsan.
Dhibaato kale oo beerka kaa gaarta ayuu keenaa cabista qamrigu, markasta oo aad cabtana beerka waxa uu saarayaa sunta qamriga hadii ay ka badato shaqadaas waxaa beerka fuulaayo xayr uu qofka la noo laanaayo oo u baahan in uu markasta daawo qaato ugu danbayna uu beerka shaqo gabo kadibna dhimasho kugu timaado ama inay sonkorta nuuca labaad kugu dhacdo.
Dhibaatada kale ee khamriga waxaa kamida in wadnaha aa ka jirato ama cudur kaaga dhaco,maadama wadnuhu uu u nugul yahay in qamrigu saamayn ku yeesho.
Waxaa yaraanaya awooda wadnaha, markii awoodo yaraatana hawada loo yaqaan oxygenka ee la qaato iyo nafaqooyinka dhiiga raaca sifican uma gaarayaan xumnaha muhiimka ah ee jirka.
Markaas ayaa waxaa badanaaya nuuc kamida dufanka dhiiga oo loo yaqaan triglyceride oo keenaaya cudurada wadnaha sida inuu ba shaqayn waayo wadnaha ama sonkorta nuuca labaad aad qaadid.
Intaas waa dhibaatooyinka iyo cudurada qofka ku dhici kara, waa ka badan yihiin lkn intaan ayaa ugu waa waayn, marka walaal ama abaayo ha dooran cudur adoo caafimaad u jeeda kanana tali walaalkaa ama walaashaa inaysan ku dhicin god kaas ama daminkaas xun oo qurankaa ee aan dad iyo deegaanba u fiicnayn.
Maxaa ku garan kartaa qofka cabsan oo calaamad ah.
Wax yaabaha aa ku garan kartid waxaa kamida qofka cabsan qamriga, hadal is dhaaf dhaafsan ama deel qaaf ah, araga oo ka xumaada sida inuu wax been ah arko ama wax u jeedi waayo, inuusan qof isku aadan ahayn, addimada oo is dhaaf dhaafa, xusuus la aan iyo neef qaadashadiisa oo yaraata. Waxaan oo calaamadaa dadka qaar saaid ayay u dareemaan dadka qaar wax yar ayay ka dareemaan lkn hadaa la qabsatay ama ku cusub tahay caalamadaha iyo dhibta waa laga siman yahay.
Walow qofka qabatima uu u keeno cancer aan la dawayn Karin inuu qofka ku dhaco.
……………………………………………………………………………………………………………………………………
Diiniyan | maxay ka qabtaa shareecado cabista khamriga|
Afar xaaladood ayuu maray khamriga xaan raan tinimayn tiisu ayadoo sababtu ahayd madaama shaygaan intaan la xaaran tinimayn dadka jirkooda uu lasoo qabsaday sidaas ayay u noqontay in tartartiib loo soo jaro, halkaas ayaana laga qaadanaaya qaabka loo joojiyo cabistiisa.
Mar xalada koowaad ayaa dadka wuxuu alle ku boorayay aayada 67 aad ee suuratu naxli in miraha qaarkood wax fiican iyo wax xun laga samaysan karo, si dadka ay oga leexdaan inaysan waxa aan wanaagsanayn ka samaysan, waxa uuna ahaa qoolkii eebe.
وَمِن ثَمَرَٰتِ ٱلنَّخِيلِ وَٱلْأَعْنَـٰبِ تَتَّخِذُونَ مِنْهُ سَكَرًۭا وَرِزْقًا حَسَنًا ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةًۭ لِّقَوْمٍۢ يَعْقِلُونَ
Miraha beeraha sida timirta iyo canabka aan idin siiyay waxaa ka Helaysaan wax lagu sarqaamo iyo arsaaqad wanaagsan. Markaas baa saaxabada qaar waxay ka fahmeen oo yiraahdeen waxaas lagu sarqaamayo arsaaqda wanaagsan asagu kuma jiro soo mahan, nagadaaya marka. Oo isaga dhaafeen.
Mar xalada labaad Aayada 219 gaal ee albaqra ayaa uu alle ku yiri asaga oo ka hadlaaya faaidada iyo khasaaraha ay leeyihiin khamriga iyo qamaarka sidoo kalena jawaabna u ahayd cumar radiyaalaahu canhu oo yiri ilaahayow bahalkaas dhibkiisu waa badan yahayye naga caafimaadi si aan kaga harno. Markaasna wali waxaa socday tilmaanta ah inay yihiin labo shay oo aan wanaagsanayn oo dhibkooda leh markaas ayaa intee garata ka haraysay madaama asxaabta ay ahaayeen dad wanaagsan oo markiiba xumaanta ka dhowr sada. Qowlkii eebana waxa uu ahaa.
۞ يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلْخَمْرِ وَٱلْمَيْسِرِ ۖ قُلْ فِيهِمَآ إِثْمٌۭ كَبِيرٌۭ وَمَنَـٰفِعُ لِلنَّاسِ وَإِثْمُهُمَآ أَكْبَرُ مِن نَّفْعِهِمَا ۗ وَيَسْـَٔلُونَكَ مَاذَا يُنفِقُونَ قُلِ ٱلْعَفْوَ ۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمُ ٱلْـَٔايَـٰتِ لَعَلَّكُمْ تَتَفَكَّرُونَ ٢١٩
Waxay ku waydiinaayan nabi maxa madow scs khamriga iyo qamaarka ma xaaraanbaa, waxaa tiraah nabiyow labadaas dhex dooda waxaa ahaaday danbi wayn iyo xoogaa dheefa , danbigoodana waa ka wayn yahay dheeftooda. Markas ayaa asxaab badan ka hartay ayaadaan markay soo dagtay.
Marxalada sadexaad aayada 43 aad ee suratu nisaa ayaa soo dagtay oo xiliga salaada lagu mamnuucaayo inaan la cabin qamriga , waana tar tartiib in loo joojinaayo . waxana ilaahay ku yiri hadalkiisa qur aanka.
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَقْرَبُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنتُمْ سُكَـٰرَىٰ حَتَّىٰ تَعْلَمُوا۟ مَا تَقُولُونَ ا ٤٣
dadka muslimiinta ahow salaada ha u dhawaanina idinkoo cabsan ama sarqaansan, ilaa aad miir yeelataan, ood kala garataan waxa aad leedihiin eed aad aqrinaysaan. Dadka qaar ayaana halkaas kaga go ay markii xiliyada salaada la diiday qamriga.
Marxalada afaraad waa joojinta ama xaaraantimaynta qamriga.
Sida ku cad quraanka iyo sonada nabiga waxaa la xaarantimeeyay qamriga cabistiisa markii uu alaah ku yiri hadalkiisa kitaabka qur aan ka suuratul ma ida ayadaha 90 ilaa 91.
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّمَا ٱلْخَمْرُ وَٱلْمَيْسِرُ وَٱلْأَنصَابُ وَٱلْأَزْلَـٰمُ رِجْسٌۭ مِّنْ عَمَلِ ٱلشَّيْطَـٰنِ فَٱجْتَنِبُوهُ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ ٩٠
Dadkii ilaahay rumeeyayow khamriga iyo khamaarka iyo sanamyaasha iyo faalka waa wasaq ( wax liita oo qurun ah ) waana shaqada shaydaanka, ka durka oo ka fogaada si aad u liibaan taan.
إِنَّمَا يُرِيدُ ٱلشَّيْطَـٰنُ أَن يُوقِعَ بَيْنَكُمُ ٱلْعَدَٰوَةَ وَٱلْبَغْضَآءَ فِى ٱلْخَمْرِ وَٱلْمَيْسِرِ وَيَصُدَّكُمْ عَن ذِكْرِ ٱللَّهِ وَعَنِ ٱلصَّلَوٰةِ ۖ فَهَلْ أَنتُم مُّنتَهُونَ ٩١
Shaydaan ku wuxuu doonaayaa dhexdiina inuu dhigo, colaad iyo nacayb aad isku qaadaan, khamriga iyo qamaarkamarkii aad isticmaashaan.inuu idinka hor joogsado ayuu doonayaa shaydaanku ilaahay xuskiisa iyo salaada. Idnkuna ma tihiin kuwa iska daynaaya.
Aayadahan maxaan ka qaadanaynaa ,
waxaan ka qaadanaynaa in khamriga iyo qamaarka ay dadka colaad u keenaan iyo is naceeb waxaasna uu shaydaan ku u keenaayo dadka isticmaala khamriga.
Sidaas ayuuna khamrigu ku yahay shay xaaraan ah oo xumaantiisa iyo dhibtiisa quraankana naguula sheegay , caafimaadkana uu hadda sii fasiray.
Walaal kaygow ama walaashay yay iska jira waxa alle naga reebay ee xaaranta ah waxaa ka dhaxlaysaa wax aadan xamili karin kaligaana aan kugu ekayn ee bulshada saamaynaaya sida cudurkan hadda baahay ee covid19 la dhaho ee aan ka hadlay, waxaa cudurkan asalkiisa uu ka yimid fiid meerta oo banaanayn in la cuno markii si xad gudub ah ay ku cunneen chinese. Marka walaal bad baadi qooskaada iyo bulshada kale ee ka fagow khamriga.
0 Comments