Facebook

Responsive Advertisement

Gaaska | Wax yaabaha keena | Sida loo daaweeyo | Sida looga hortago|| Understanding Dyspepsia: Causes, Signs, Symptoms, and Treatment




Hordhac (Introduction)

Asalaamu alaykum Dyspepsia waa calaamado dhowr ah oo isku tagay, lehna dhibaatooyin caafimaad oo badan, afsoomaali ahaan waxaan u naqaanaa Gaas.

Calaamadahaan ayaa lagu arkaa qaybta sare ee bogga, goortii aad wax cuntid ama aad wax cabtid.

Sida baaritaanada iyo war bixinada caafimaadku sheegaan lama dhihi karo waa xanuun ama jiro laakiin waa calaamado dhowr ah oo isku tagay qofkana ku keena saamayn daran, ilaa uu noqdo qof aan dareemayn raaxo iyo nafisba.

Maqaalkeena maanta ayaan si qoto dheer ugu lafa guri doonaa waxa sababa calaamadahaan sida loo daaweeyo iyo sida aad oga hortagi kartid, walibana anoo sii raacin doono waxa la gudboon soomalideena si dhibaatadaan nooga yaraato ugu yaraan.

ka hor maqaalka haddii ay tahay markii kuugu horaysay Boggaan aadna danaynayso war bixinadda cayn kan oo kale ah  fadlan aaraadaada noogu reeb dhanka hoose ee faaladda si aan oga qaaadano waxa aad nagu dheero galinayso sidoo kalena u gudbi ama la wadaag asxaabtaada si ay oga faaidaystaan macluumaadkaan la xiriiri gaaska iyo calaamadihiisabba.

…………………………………………………………………………………………….

Maqaalka (the article)

Calaamaddahaan soomalideenu u bixisay Gaas waa jirro guud taasoo caalamka laga wada garanaayo,mana lahan wadan ama goob u gooniya oo lagu yaqaan.

Gaasku qiyaas ahaan 30% dad yowga caalamka waa mid saamayn wayn u gaysta kuna haya fara ba an oo u bahaan in wax laga qabto, wacyi fiican oo ku filanna bulshada laga siiyo

Waxaa jira calaamaddo uu si guud u leeyahay gaasku, waxaana ka midda dibiradda, raaxo daridda qofka, dharagta joogtada ah iyo hawo dareemid.

Sida guud xaaladahaan ayaa la dareemaa ka gadaal marka aad wax cunto ama aad wax cabto sidoo kale hadii aad leedahay xaaladahaan caafimaadka ee ah laabjeexa ama qaadashadda daawooyin kiciya.

Qofka markii uu leeyahay Gaaska, waa in lagu arkaa, xanuun dhanka dheefshiidka ah, dharag saaid ah markuu wax cuno, horay ka dhargid, laab jeex, labbo labbo ama liidaanyo iyo dibiro.

Bukaanka ayaa isku arki kara kuwaan hadii xitaa uusan cunin cunno xaddi badan oo sabab u noqota inuu dhargo.





Sababaha keena xanuunkan (The causes)

Sababaha calaamadahaan isku tagay  waa tiro badan yihiin aniga ahaan waxaan kuugu soo koobayaa labo qaybood. Qayb la xiriirta deegaanka iyo noloshaada wax yaabaha ku xeeran iyo qayb kale oo ay keenaan cuduro kala duwan .

Qaybta la xiriirta wax yaabaha noloshaada ayaa ah afar nuuc oo kala ah balwadda sida sigaar cabida, cuntooyinka qaar, cayilka iyo walwalka.

Qaybta cuduradda keena calaamadahaan kala duwan ayaa ah, laab jeexa, gaas calooleedka, kansarka (cancer) ka caloosha ama kansanradda kale, daawooyinka sida xanuun baabi’iyaasha, caabuqa ganaca, dhagaxaanta xameetida, cuduradda beerka, caabuqyada caloosha, eernada qaar, infectionka qaar sida h-pyloric ga iyo cudurada ku dhaca min dhicirada.

Inta badan soomalideena waxaa dhibtaan u keena waqtiyada cunnada oo xun iskuna toosnayn iyo ku seexashada habeenkii cuntada oo qayb wayn ka qaadata qofka in ay ku soo dag dagaan xanuunadaan.

Baaritaanka xanuunkan ( The diagnosis)

Baaritaan ahaan gaaska waxaa lagu ogaan karaa calaamaddaha uu qofka sheeganaayo sidoo kale dhaqtarka waxa uu ku hubsan karaa baaritaano shaybaar kuwaas oo xaqiijinaaya in sababtu ay ka timid nafsad ahaan qofka ama inay u keeneen cudurada aan kor ku soo xusay.

Daawaynta xanuunkan (the treatment of the desease)

Daawaynta xanuunkaan leh calaamadaha gala duwan ee gaaska loo yaqaan ayaa waxa ay ku xiran tahay waxa sababta u ahaa imaansha hiisa. Sida wax ka badalida nolosha iyo daawooyinka gaaska ama cudurka markaas sababta u ahaa.

Inaad wax ka badasho noloshaada waxaad samayn kartaa ka dheeraan shaha wax yaabaha sajalka ah sida cabitaanada, ku dadaalida biya cabista, ka fogaanshaha bas baaska,toonta,basasha, cafienka, cabitaanadda aashatada leh, cunnada shiilan sidoo kale ku dadaalida tartiib wax u cunida, hurdada sadex saac ka hor inaad wax cuntid, barkin ku seexashada iyo inaa ka dheeraato sigaar cabidda iyo meelaha lagu cabo.

Hadii aadan iskala tacaalin xanuunkan waxaad dhaxli doontaa sadexdaan wax yaabood midkood, hunguriga oo ku adkaada, caloosha oo ku xiranta iyo dahaarka bogga oo caabuq kaaga dhaco afka qalaadna loo yaqaan peritonitis.

Si aad isaga daawayso xanuunkaan Gaaska waxaad booqan kartaa goobta caafimaad ee kuugu dhaw isbitaal ahaan, waana muhiim inaad dhaqtar kala hadasho wax aad qaadanayso ama aad daawo ahaan u isticmaalayso, si aad oga fogaatid in wax yeelo kale ku soo gaarto oo ka wayn middii markaas aad ugu timid in laguu sameeyo ama lagaa xaliyo.

Dhaqaatiirta caafimaadka way ay kala duwan yihiin wax yaabaha ay khibrada ama taqasuska u leeyihin waxaana muhiim ah inaad u tagto dhaqaatiirta ku shaqada leh daawaynta xanuunada ku dhaca dheefshiid ka iyo wax yaabaha la xiriira.

Kana digtoonow inaad isticmaasho wax yaabaha soomaalideenu aan u naqaan herbalka ama mudaawaadka dabiiciga ah hadii uusan ku siin qof qibrad u leh waxa kaaga imaan kara iyo wax yaabaha dhibka ka yimaada lagula tacaali karo, si aadan ugu dhicin dabinka dadka ka ganacsada dhiiga iyo nafta dadka ee aan lahayn aqoon caafimaad oo buuxda.

Ugu danbayn ku dadaal daryeelka caafimaadkaaga iyo kan qoyskaagaba qaadana talooyinka haboon ee aan kuu soo gud biyay hadii aad isku aragtay ama ku aragtay qof qaba guriga.

Maqaalkeena maanta intaas ayuu ku egyahay daawade hadii  aad ka heshay maqaalka fadlan ha iloobin inaad sii gudbiso muuqaalka sidoo kalena aad wixii fariin ah aad noogu reebto qaybta faaladda ama comments ka mahadsanid.

Muuqaalka



 

Post a Comment

0 Comments