Facebook

Responsive Advertisement

Dareen ka aan xadka lahayn (Mayiikada ) || Kacsaanta Maskaxda ee saaidka ah|| Recognizing the Signs and Symptoms of Mania


Hordhac (Introduction

Asalaamu Alaykum, Waa qof aad u war badan, warkana si boobsiis ah ku soo saaraya, waxaana mar walba ka muuqata tabar iyo firfircooni siyaado ah iyadoo welibana hurdadiisu ay aad u yar tahay, waxaana laga dareemaa faraxsanaan aan la fasiri Karin.

 mararka qaarna si kadis ah ayuu u xanaaqaa ama wax u dhibsadaa, marna wuxuu la yimaadaa waxyaabo bulshadu la yaabto sida rabitaan galmo oo xad-dhaaf ah iyo ka hadalka mawaadiicda la xiriiro jinsiga iyo wixii la halmaala, waxaa kaloo qofkaan lagu yaqaanaa islawayni isaga ka dhaadhacsan, isagoo la baxa naaneesyo uu isugu tilmaamaayo mid bulshada kasareeya."

 Maqaalkeena maanta waxaan ku falaanqayn doonnaa xanuunka astaamihiisa aan soo sheegay, inkastoo dad badan ay is oran doonaan, waad qabtiin xanuunkaan laakiin dhamaadka maqaalka ayaad ku fahmi doontaan qofka qaba iyo kaan qabin.

 ka hor maqaalka hadii ay tahay markii kuugu horaysay Boggan aadna danaynayso baraamijyada caafimaadka ee  cayn kani oo kale ah  fadlan la wadaag asxaabtaada si ay oga faaidaystaan.

………………………………………………………………………………………………….





Maqaalka ( The article )

Hadii aan ugu hormariyo xanuunkaan loo yaqaan afka shisheeye "Mania", waa cillad dhimir oo aad ugu badan dunida, waxay lid ku tahay xanuunka niyad-jabka ama afka qalaad looyaqaan"depression" oo isaguna ah xanuun dhimir , kuna dhaca raga iyo dumarka, laakiin caruurta wixii ka yar 15 sano badanaa laguma arko.

 Qofka qaba xanuunkan "MANIA yada", waxaa lagu gartaa kacsanaan maskaxda ah taas oo laga dareemi karo hadalka iyo dhaqanka qofka.

 Qofka wuxuu sidaan noqon karaa waqtiyo gooni ah, waxaana xaaladaas loo yaqaanaa afka qalaad "Manic Episode", dadka qaar xaalad caadi ah ayay ku soo laabtaan muddo ka dib, qaarka kalena waxay isku rogaan xaalad niyadjab iyo mid diiqo ah,

 Dadka sidaa noqdo labada xanuunba waa ay qabaan, waxaana lagu magacaabaa afka qalaad "Bipolar mood disorder", oo loola jeedo qofka marne waa uu kacsan yahay, marne waa uu dansan yahay.

 Mararka qaar waxaa dhacdo in qofka xanuunkan mayiikada ama lagu magacaabo  "MANIA" qaba ay u wehliyaan waswaas iyo shakki, taasoo astaan u ah xanuun kale oo dhimirka ah oo loo yaqaano waali ama afka qalaad "Schizophrenia".

 Marka lagu wado arko astaamaha labadaas xanuun qofka waxaa jira xanuun ka dhasha oo  loo yaqaan afka qalaad "Schizomania" ama "Shizoaffective disorder".

 Maqaalkan  waxa uu ku saabsan yahay nuuca "MANIA yada " kaligeed oo aysan la socon cillad kale. Ama xanuun kale oo saameeya dhimirka.

 Qofka kacsanaantiisu markay dhexdhexaad tahay, laakiin aysan gaarsiisnayn "MANIA" waxaa loo yaqaanaa "HYPOMANIA" oo iyadana weli cillad dhimir ah.

 Waxaa jirta in dadka qaarkood Alle ku abuuray firfircooni siyaado ah iyo niyad kacsanaan la socoto faraxsanaan joogto ah, taasi waxaa loo yaqaanaa afka qalaad"Manic Personality", waxaana laga wadaa in qofkaan uu leeyahay dabci sida Mania-da oo kale ah, laakiin aan cudur ahayn, tan ayaa keeni karto in dad badan iskaga shakkiyaan xanuunka "MANIA" markii astaamaihiisa laga sheekeynaayo.

 Qofka ayaa la oran karaa waa uu qabaa xanuunkan mania yada markii uu galo xaalad kacsanaan oo aan lagu aqoon jirin, xadkane ka baxsan gaartayne heer ay cunnadiisa iyo hurdadiisa saamayso, joogtana noqotay maalin walba muddo usbuuc ah ugu yaraan, markaas ayaa la dhihi karaa qofkaan wuxuu galay xaalad Mania, waana in markaa talo dhakhtar la raadiyaa, maadaama qofka uusan dareensanayn inuu xanuun jiro.

 Tusaale

Tusaale: "Haliimo waa gabadh ehelkeeda la nool, iskuulna aadda, cideeduna aysan wax cillad ah ku ogeen, maalin bay iskuulka ka timid, ka dib gurigii bay dhaqitaan iyo nadiifin ku bilawday, alaabtii iyo dharkii ayay wada mayrtay, kadib intaa kuma ekaysanee gaari bay raacday oo cid ay qaraabo ahaayeen bay intaa oo kale u soo samaysay, inta gaariga ay sii saarnayd qof walboo gaariga saarnaa way la sheekeysatay, markay soo laabatayne qof daalan lama moodo oo weli sheeko iyo qosol bay wadaa, weliba gabadh xishood badan bay ahayd, laakiin waxay ka sheekeysay waxyaabo laga xishoodo" qofkaan oo kale ehelku way dareemayaan inay wax ka qaldan yihiin, laakiin bulshada kale hadalka qofkaan waxay u arkaan sheeko iyo madadaalo,

 laakiin waa in qofkaan dhakhtar lala gaaraa inta xaaladu aysan ka sii darin", taasi waa hal tusaale laakiin macnaheedu maahan in qof walba sidaa samaynayo, siyaabo kale ayay ku imaan kartaa waxaa kaloo ka mid ah qof 24 saac internetka ka sheekeynayo, oo aan daalayn oo hurdo iyo hoyaad ka tagay, cunno iyo nasiino aysan ka maqnayn, salaad sidoo kale, maaalinba meel taagan, ciddiisu aysan ka war hayn oo safarro aanan laga war qabin u baxa sabab la'aan" tanne waa tusaale kale, ehelku way fahmi karaan in xaaladda qofkaan in aysan dabiici ahayn.

........................................................................................................................ 

Waxaa jira Astaamo lagu garto Kacsanaanta waallida ah ee looyaqaan (MANIA) waxaana kamida, Isla-wayni iyo isbuufin xad dhaaf ah, qofka oo aaminsan inuu dadka kale wax dheer yahay, laga yaabee inuu la baxo magacyo dadku la yaabaan sida boqor, wasiir, ugaas IWM.

 Qofka oo aan u baahan hurdo, Sadax saac oo kaliya hadii uu jiifto wuxuu dareemayaa inay ku filan tahay, isagoo firfircoon ayuuna soo toosaa, 24 saac oo xiriir ah inuusan jiifan ayaa laga yaabaa.

 Hadal iyo sheeko xad dhaaf ah oo weliba cadaadis iyo xawaare ku socda ayuu leeyahay , Hadalka oo aan mawduuc lahayn, fikraddii ku soo dhacdaba u wareego isagoo sheekadii hore aan dhameestirin,

 In qofka la maaweelin karo, lagana weecin karo hadafka hadalkiisa iyo meesha uu hadalka ula jeedo, Dhaqdhaqaa xad dhaaf ah iyo wareegis xaafaddaha ah ama safar u bixis lama filaan ah  ayuu leeyahay, Isxakamayn la'aan iyo Xishood yari, qofka wuxuu si yaxyax la'aan ah uga hadlaa galmada iyo wixii la xiriiro, dareenkiisa dhinacaas ku saabsanna ma xakamayn karo tanoo keeni karta inuu khaladaad ku dhaco, dambine lagu oogo, haddii ay haweenay tahayna qofka xanuunsan kuma sii jirto, maxaayeelay ciddeedu waxay ka war heli karaan iyadoo uur leh, arintaan waxaa loo yaqaanaa afka qalaad "Disinhibition".

Faraxsanaan dhalanteed ah, waa qofka oo ay ka muuqato farxad aan fasiraad lahayn ama aysan u qalmin xaalada uu ku sugan yahay,

 Astaamahaas waa laga wada siman yahay, laakiin sida aan soo sheegay, dad bay si aayar ah uga muuqataa, waxaana qofkaa la dhahaa "Hypomania", welibana waa cillad xanuun ah, laakiin qeyb ka mid ah haddii aad leedahay, ayna tahay wax weligaa dabci kuu ahaa, isna xakamayn kartid, taasi cudur maahan waa dabeecad Alle kugu abuuray waxaana loo yaqaanaa "Manic Personality" dabeecadaan hadii ay ii suuro gasho muuqaal kale ayaan ka hadli doonnaa oo waxyaabo badan oo ay dadkaan ku fiican yihiin ayaa jira, shaqooyinka qaarkoodna waa la raadiyaa dadka dabcigaan leh. laakiin qofka xanuunsan xaaladaan dabci uma ahan oo mararka qaar ayuu galaa, wuuna ku talax tagaa, ismana xakamayn karo, muddo markuu sidaa ahaadane, niyadjab iyo diiqo ayaa ku dhaca, waana la waayaa warkiisa mararka qaarne wuu soo dagaa oo caadi buu ku laabtaa.

 Sababta xanuunkani  kacsanaanta aan xadka lahay ayaan la aqoonin laakiin waxaa la ogyahay in maskaxdu ay soo daynayso dheecaano sidii lagu yaqaanay ka badan, daawada xanuunkaan loo qaatane dheecaannadaas iyo dhambaalladaas maskaxdu dirayso ayay xakameeyaan.

daaweyntuna waxay ku xiran tahay xanuunka qaabka uu ku yimid, in cillad dhimir oo kale la socoto iyo heerka uu gaarsiisan yahay.

 daawooyin loogu tala galay oo loo qaato ayaa jira, laakiin waa qasab in qofku uu la kulmo dhakhtar dhimirka ku takhassusay si qofka loo qiimeeyo, ehelkana loo waraysto.

 Maqaalkeena maanta intaas ayuu ku egyahay daawade hadii  aad ka heshay Qoraalkan fadlan la wadaag asxaabtaada mahadsanid.

 

Muuqaalka

 


Post a Comment

0 Comments