- Waa la ogaan karaa in jacayl ku haayo.
- Maskaxdeena waxa ay 10 jibaar ama ka badan ay ka qaad qaad wayn tahay iphones casrigaa ee maanta.
- Maskaxda Ma dareento wax xanuun ah.
- Majiro ruux ruux kale u maskax eg
- Miisaanka ugu badan maskaxda qofka waxa uu ka yimaadaa hal dhinac.
Hordhac (Introduction)
Asalaamu
alaykum, Markii aan ka hadlayno maskaxda ama afka qalaad waxa loo yaqaan the
Brain waxaa kugu soo dhacaaya, caqli, fikir, xusuus, wax kala garasho, fahan,
iyo dareen, intaan iyo inkaloo badan oo ay ka mid yihiin socodka, aragtida,
maqalka, wax cunida, neefsashada iyo shaqada jirka oo dhan waxay ka yimaadaan
maskaxda iyo neerfayaasha hoos taga.
Maskaxda
ama brain ta waxa ay ka samaysan tahay billions oo neerfaahaa iyo waxyaabaha
isku xira oo gaaraaya trillions , waana caajaaibta ay maskaxda bil aadanka
leedahay maxaa yeelay waa mida xubnaha bil aadanka ugu awooda badan uguna
xiisaha badan.
Maqaalkeena
maanta ayaan kuugu soo gudbin doonaa 10 shay oo aadan ka ogayn maskaxdaada ama
aadan horay u maqal ee fadlan dheego maqaalka, siina gaarsii asxaabtaada si ay
oga faaidaystaan waxyaabaha ama warbixinada la xiriira caafimaadka iyo wax
yaabaha ku xiiran.
…………………………………………………………………….
Kow
Maskaxdeena
waxa ay 10 jibaar ama ka badan ay ka qaad qaad wayn tahay iphones casrigaa ee
maanta
In
kastoo ay jiraan shaqooyin aysan qaban Karin maskaxdeeda oo ay qabtaan
computerada casrigaa hadana waxaa jira wax yaabo farabadan oo maskaxdeedana ay
kaga hormarsantahay aaladahaan casrigaa oo aysan marnaba gaari karayn xigmada
iyo waynaanta abuurka alle.
Tusaale
ahaan xusuusta iyo wax xifdinta maskaxdeena ayaa qiyaas ahaan, hadda waa qiyaas
ahaan kaliya waxaa lagu sheegaa 2.5 million oo GB inay gaari karto xogta ku
kaydsami karta halka taleefanada kan ugu badan uu gaaraayo 256GB waana dareemi
kartaa farqiga wayn ee halkaas ka jira.
Tusaale kale ayaa tilmaamaya, nin darawal taxi ah oo
ku nool ingiriiska ayaa la sheegay inuu yaqaanay dhamaan wada kasta oo London
kutaal midkasta iyo midda badalkeeda ah iyo wax yaabaha ku harayraysan.
Cilmi
baarayaasha ayaa sheegay daraasad kadib in markasta oo aad wax baratid ama aqrisid
ay korayso maskaxdaada, sidaa daraadeed wax aqriska joogtee si aad caaqil iyo
caalim u noqoto.
Labo
Maskaxda
Ma dareento wax xanuun ah.
Waxaa
jirta labo xubnood oo sida caadigaa aan wax xanuun ah laga dareemin markii ay
wax ku dhacaan waana beerka iyo maskaxda.
Si
ay xubini u dareento xanuun ayaa waxa ay u baahantahay, wadooyin ama wax neerfaha
gaarsiiyaa dareenka xanuunka, sidaa daraadeed labadaan xubin malahan wax qaada
fariinta xanuunka.
Waxaa
tusaale nool noqonaya marka qaliimada maskaxdaa la samaynaayo qofka waxaa lagu
samayn karaa asagoo soo jeeda, waana la arkay arimo nuucaas oo kalaa.
Intaas
markii laga soo tago waxaa jira qofka marka uu cuno jalaato badan ama qabow
saaid ah waxa uu dareemaa madax xanuun, taasna lama micno ahan in maskaxdu ku
xanuunayso, balse waa ciriiriga ay dareemayaan xididadeena iyo hal
bowlayaasheena jawaab ka dhalatay.
Sadex
Maskaxda
ragga iyo dumarka, meelna waa ku kala duwan yihiin meelna waa isaga mid.
Maskaxda
ragga waxaa la sheegaa in 10% kiiba ay ka wayn tahay midda dumarka balse
caqliga iyo fikirka ragga iyo dumarkaba waa ka siman yihiin.
Sidoo
kale waxaa jira korintaanka dareenka xanuunka waxaa ku badan dumarka marka loo
eego ragga.
Waxaa kaloo jirta in ragga uu kaga adkaysi badan yahay dumarka u dulqaadasha xaaladaha isku buuqa ama stresska, sababta inta badan tan keenta lama oga balse waxaa jirta cilmi baarisyo wali la wado oo lagu ogaanaayo.
Afar
Miisaanka
ugu badan maskaxda qofka waxa uu ka yimaadaa hal dhinac.
85%
boqolkiiba miisaanka maskaxda waxa uu ka yimaadaa hal meel oo ah qaybta hore
ilaa danbe ah loona yaqaan cerebrum afka qalaad.
Waana midda qabata shaqada ugu badan maskaxda bil aadanka keenatana guulaha laga gaaro shaqooyinka la qabto sida, xukunka, xalinta dhibaatooyinka, xukunka heer kulka jirka, kontoroolida dhaq dhaqaaqa xubnaha iyo shaqooyinka la xiriira shanta dareemi dhexdooda.
Shan
Majiro
ruux ruux kale u maskax eg, waa sida fingerprint tiga oo kale, ama faraha loogu
kala duwan yahay.
Muuqaal
marka la dhaho ma jiro qof qof kale u muuqaal eg maskax ahaan, waxaana keena
qofka inuu ka duwanaado kan kale wax yaabo badan oo ay ka mid yihiin, sida uu
qofka u koray, sida uu wax uqriyo ama wax u barto, dhibka uu nolosha kasoo maro
iyo wax yaabo kaloo badan oo qofka ku xeeran.
Madaama uu jiro kala duwanaanshaan ayaa waxa ay tahay in markasta oo la rabo in lala tacaalo qof dhimirka ka xanuunsan ama waalan in loo dulqaato loona daaweeyo si daganaan iyo naxariisi ay ku jirto.
Lix
Jirkaaga
waxa uu saamayn ku leeyahay maskaxdaada
Marka
la isku eego xubnaha jirka midba midda kale waxa ay ku leedahay saamayn balse
maskaxda waxaa saamayn kuleh dhamaan jirkeena qayb kasta oo kamida.
Cunnada
aan cunno waxa ay saamayn kartaa maskaxdeena sida hadaan qamri cabno u
saamaynaayo beerkeena iyo maskaxdeeda hab maamulkeeda.
Maskaxda
madaama ay oxygen badan u baahantahay sanbabka iyo bamka wadnaha waxay u
keenaan oxygen waana isku xirnaan aan laga maarmayn.
Sidaa
daraadeed waa u muhiim maskaxdaada qayb kasta oo jirkaaga kamida.
Todobo
Scanka
loo yaqaan MRI waxaa lagu arki karaa in
Jacayl kugu dhacay ama ku haayo.
Tignoolajiyada
caalamigaa waxa ay marba marka ka danbaysa ku tilaabsanaysaa sare ukac iyo hor
mar balaaran walibana dhanka caafimaadka kuwa loo adeegsado ha ahaadaan kuwa
maskaxda ama kuwa xubnaha kaleba.
Qalabkaan
loo yaqaan MRI ga waa computer qofka maskaxda laga saaro markii loo baahdo
waxaana logu ogaan karaa in jacayl kugu dhacay iyadoo la fiirinaayo maskaxda
qaybta qaabilsan, amaal marinta, dhiiragalinta, dareenka iyo bulsho dhex galida,
madaama intaanba ay sare u kacaayaan markii uu jiro darenka jacaylka.
Waxaa
jiro cilmi baarisyo la sameeyay oo la is bar bar dhigay dad uu jacayl waqti
badan soo haayay, kuwa xiriirkoodu baa ba ay iyo kuwa aan waligoodba samayn.
Sidaa
owgeed kaliya lama ogaan inuu jacayl hayo dadkaan balse waxaa la ogaaday in
markastoo qofka uu jacaylka ku dheeraado ay siyaadayso qaybta maskaxda
qaabilsan dareemadaas aan soo sheegay.
Sideed
Masoo
xasuusan kartid wixii dhacay balse waa soo xasuusan kartaa waxaa xifdisay
Markii
aad soo xasuusanaysid wax masoo xasuusanaysid sida saxdaa ee ay wax u dhaceen,
lkn waxa kugu soo dhacaaya ayaa ah wixii ugu danbeeyay ee dhacdaas maskaxdaada
galay ama ay xifdisay.
Xifdiska
markii laga hadlaayo waxaa u baahantahay si aad wax badan u xifdiso inaa
tababar badan siiso maskaxdaada, markastana aad isku daydo inaa wax soo
xasuusato.
Tusaale
ahaan markaa isku taxalujiso inaadan taleefan number ku save garayn waqti badan
maskaxdaada waxa ay baranaysaa inay barato numberkasta oo laguu sheego iyo
qofkii lahaa.
Sagaal
Waad
noolaan kartaa adoo maskaxdaada haaf maqan yahay.
Waxaa
jira qalayn lagu sameeyo qofka qaba qalalka, oo la bixinaayo kala bar qofkaas
maskaxdiisa, inta badana dadkaas waxa ay yeeshaan caqli dhamaystiran mararka
qaarna waa laga yaabaa inay lumiyaan qaar kamida shaqooyinkii ay qabanaysid
qaybtaas la saaray.
Waxaana jira shan case oo wadamaas caalamka qaliin loogu sameeyay caruur nimadoodi maantana maskaxdoodu ay u shaqayso sida caadigaa.
Toban
Maskaxdu
waa ugaarta ugu wayn ee hawada aan qaadano ee oxygenka
20%
oxygenka ugu badan jirkeena waxa uu ku baxaa maskaxdeena, marka loo bar bar
dhigo oxygenka ay qaataan murqaha jirkeena oo ayagana haya shaqo badan.
Shan
daqiiqo oo jrkaaga uusan lahayn wax oxygen ah, waxaa bilaabanaysa dhimashada
unugyada maskaxda, shaqada jirkana waa ay joogsanaysaa gabi ahaanba.
Iskubuuq
iyo stresska waxaa yareeya sidoo kale inaa oxygen badan aa qaadatid ama aad
samaysid jimicsiga neef qaadashada iyo neefsiidaynta oo loo yaqaan breath in
and out afka qalaad.
…………………………………………………………………………….
Ugu
danbay ku dadaal caafimaadka maskaxdaada, daraasada, wax aqriska iyo jmicsigaba
si caafimaadkaaga uu u ahaado mid marwalba sare u kacsan.
Maqaalkeena maanta intaas ayuu ku egyahay qaraabo fadlan
follow dheh page ka , sidoo kaleba la wadaaag asxaabtaada mahadsanid
Muuqaalka
0 Comments