Hordhac ( introduction )
Ma u baahantahay
inaa dhibco badan keentid?
Ma ku dhib qabtaa
diyaariska imtixaan naadka?
Ma doonaysaa inaad
imtixaanka ku baastid ?
Ma kaa qaldan
yahay habka aa wax u diyaariso?
Dhamaan su
aalahaan waxaan kaga jawaabi doonaa maqaalkeena maanta, hadii aa jeceshahay
inaan soo gudbiyo maqaalo nuucaan oo kalaa oo aan ardada wax ugu faaidaynaayo
fadlan comments ka iigu reeb, hana iloobin inaad share dhahdo maqaalka si uu u
gaaro dadkii ka faaidaysan lahaa.
…………………………………………………………………………………………………….
Maqaalka (The article)
Marka laga
hadlaayo inaa shay naftaada ah hormarisid waxaa u baahantahay inaad qabato
howlo adag oo aad u qabanaysid sikala gooniya ama adiga oo is dhex galinaaya.
Sidaa darteed maanta waxaan halkaan kuugu soo gudbinaayaa 10 wado oo hadaa si
kala gooniya ama si isku dhex darid ah aad u qabatid kaa saacidaaya inaad
imtixaanka aad galayso ka miro dhaliso guulna aad ka gaarto kana hor marto
ardada kugula jirta tartankaas schoolka ama jaamacada ah.
1: qodobka kowaad ,Nafsadaada waa inaa siisaa waqti ku filan oo ay wax barato.
Waxaa jira dadka
wax barta ama aradayda qaarkood oo dhaha wax aqri ilaa waqtiga ugu danbeeya ee
imtixaanka, waxayna sabab oga dhigaayaan waa ku guulaysanaysaa oo waxaa macquul
ah wixii hadda ugu danbeeyay oo aa aqrinaysay in lagu keeno waydiimaha
imtixaanka.
Lakiin sidaa ma
ahan xalku maxaa yeelay hadii maalin saas lagu keenay oo nasiibku ku saaciday
ma ahan in maalin kasta lagu keenaayo meesha ugu danbaysay ee aa aqrinaysay
buuga.
Waxaa xalku yahay
inaa waqtigaaga maamusho, samaysato maado kasto maalin iyo waqti aa
diyaariso bilow ga daraasad wax
barasheed kaaga ilaa dhamaadka daraasadaha.
Waxaa kaloo
qorotaa inta imtixaan ee aa galaysid iyo inta maalmood ee kuu harsan, kuwaan
waxaa ka faaidaysaa markaa qoratid isugu aadi maadooyinka sida ay u kala adag yihiin iyo sida ay u kala fudud
yihiin, kadib hor marso kuwa kuu fudud si aysan waqtiga inta badan kaaga qaadan
maadooyinka kugu adag, kadibna dayacaad kaaga dhacdo madooyinka aad ku
fiicantahay.
In dadku ay hor
mariyaan waxa ku adag ayagoo ka tagaaya waxa u fudud waa qalad dhaca inta badan
fadlan ka tig toonow taas oo wax u aqri qaab aad ku dareemaysid raaxo iyo dhib
la aan.
………………………………………………………………………………………………………………..
2 Qodobka labaad, Hagaagso goobta aad wax ku diyaarinaysid iyo sida aad wax u diyaarinaysid.
Iska hubi
meelahaan, mahaysataa waqti kugu filan oo aad ku fiiriso wax yaabihii aad ka
kayd satay hadalka macalimiinta iyo macluumaadkii buugaagta ku qornaa,
ma haysataa
iftiin kugu filan oo aad wax ku diyaariso, mahaysataa meel ama fadhi ku haboon
inaa wax ku diyaariso. sida ( kursiga, miiska iyo daganaansaha meesha aa wax ku
diyaarinayso).
Iska xir social
media ama baraha bulshada kuwa aadan waxba ka faaidayn kaliya kaa luminaaya
waqtigaaga,
Iska jooji hadii
aad leedahay hiwaayad ama dabeecad sida inaa game iyo wax lamida ciyaarto inta
badan.
Intaan waxa ay
kaa dhex galaayaan inaa sifiican wax u diyaariso marka iska jooji wax kasta oo
ku carqaladayn lahaa.
Markaa intaas
samayso kadib garo habka inaa wax u
diyaariso aad jeceshahay dadka qaar waxa ay jecel yihiin, meel aan buuq lahayn
inay wax ku diyaariyaan sida aniga oo
kale.
Dadka qaarna dhaysiga shay ayay wax ku diyaariyaan.
Dadkale oo waxaa
jira iyagana jecel meelaha labuuxo inay wax ku diyaariyaan.
Kuwa kale ayaa
jira iyagana door biday inay wax ku diyaariyaan meel wax kasta ay isku toosan yihiin oo hadii hal shay qaldan
yahay ka lumaayo in diirada ay wax diyaaris saaraan, sida in uu buugaagta dhan
haysto, inuu computer haysto inuu internet haysto in guriga dhan hagaagsan
yahay oo hal shay haduu ka qaldan yahay waxba kuma diyaarin karo.
Sidaa daraadeed
garo midka aa tahay adiga oo ku dadaalaaya inaa hesho meesha aa ku haboon tahay
inaa wax ku diyaariso.
………………………………………………………………………………………………………………
3 qadobkaa sadex , samayso sawiro ama qoraalo gaa gaaban oo aad wax ku soo xasuusato.
Markii aa u
baahantahay inaa wax ku ceshato ama soo xasuusato muuqaalka ama sawirka waa kan
loogu xasuusan ogyahay, sidaa darteed naftaada tartan gali oo isku day inaa soo
qabsato maado kamida maadooyinka kadib naftaada aadoo bug eegayn ka qor intaa
xasuusato.
Kadib ku laabo buuga oo arag meelaha aadan
xasuusan oo baro. Imtixaanka markuu soo dhawaadana isku aruuri oo maadooyinka oo
sawiro iyo erayo gaa gaaban kadhigo , tan waxay kaa caawinaysaa inaa horay wax
kasta kasoo xasuusatid.
………………………………………………………………………………………………………………..
4 qadobka afraad, ku laabo imtixaanaadkii hore ee aad horay u gashay.
Tan waa habka ugu
wanaagsan ee imtixaan loo diyaariyo inaa ku laabatid waydiimihii horay laguu
waydiiyay sida ay ahaayeen.
Qaabkan waxa uu
kaa ciwanaa inaa fahantid habka uu imtixaanka u imaanaayo iyo meelaha wax lagaa
waydiin karo inaa garatid.
Sidoo kale waxaa
muhiim ah hadii aad waqti fiican haysid in aa mowduuc kasta waqti fiican siisid
oo aad ku diyaarisid.
……………………………………………………………………………………………………………
5: qadobka shanaad, u sharax dadka kale waxaa baratay.
Waxaa macquul ah
ama dhacda in qoyskaaga ay kugu buuqaan xiliga aa ku jirtid inaa isku diyaariso
imtixaanka.
Sidaa darteed
ayaga u adeegso qaab aad ku faaido. Yaab sidee ku dhacaysaa inaa buuq faaido u
badasho. Hadaba sidaan raac oo ugu badal faaidadaada.
Suaal ayaa
waydiinaysaa oo kamida waxa aa diyaarinaysid marka ay garan waayaana waa oga
jawaabaysaa.
Sidaan markaa
samaysid maskaxdaada si cad ayay ugu qormaysaa maadaama aa sifiican u maqlaysid
waxa aa sharxaysid xusuusna waa ka helaysaa. Suaalahaagana ku salee meelaha aad
is leedahay waa adag yihiin waydiimahana waa ka imaan karaan.
………………………………………………………………………………………………………………..
6: qodobka lixaad, samayso koox aad wax isla barataan.
Waa inaa heshaa
koox aad wax isla aqrisataan fasalkaaga, maxaa yeelay waxaa jira suaalo aadan
hayn jawaabo hooda balse ay ayaga hayaan, ama jawaabo iyo suaalo aa haysid oo
aysan ayaga hayn. Sidaa darteed waxaa jira baahi labada dhinac ah oo hadii aad
buuxisid wax badan idinka anfacays dhan kaimtixan diyaariska..
Hadii waqti dheer
uu idinkaga baxo ka hadlida mowduuc, waxa uu noqonayaa midka loogu yaqaano
casharkaas. Ku dadaal inaa kooxdada wax la baratid si aad u wada guulaysataan.
…………………………………………………………………………………………………………………
7: qodobka todobaad, nasiino qaado waqtiyada qaar.
Waxaa laga yaabaa
inaa ku fikiraysid inaa waqti badan wax aqrisid inay tahay sida ugu fiican ee
wax loo barto lkn sidaas hadaa samaysid wax badan masoo saaraysid waayo waad
daalaysaa maskaxdana sifiican wax uma qabanayso.
Tusaale hadii aa
tahay tartamaa orod ma ahan inaa 24 saacba maalinkii aa arodo si aad guul u
gaarto balse waa inaa waqtiyo nasiino qaadataa si maskaxdaada iyo jirkaaga isku
kabaan.
Sidaa darteed
hadii aa rabtid inaa wax diyaariso waa inaa qaadataa waqtiyada qaar nasiino.
Qof kasta qofka
kale waa ka duwan yahay, ku dadaal waqtiga aa ku haboon tahay ama aa ku fir
fircoontahay inaa wax diyaariso, dadka qaar waxa ay jecel yihiin in subixii wax
diyaariyaan, sidaa owgeed diyaari waqti hore madadaada si aad duhurkii u
nasato. Dadka qaarna habeenkii ayay jecel yihiin inay wax diyaariyaan, sidaa
darteed maalinkii waqti fiican oo nasiino ah qaado si aad habeenkii si fiican
wax ugu diyaariso.
Raadi maalinkii
inaa hesho qorax maxaa yeelay waxaa laga helaa vitamin D waxa uuna muhiim u
yahay maskaxdaada caafimaadkeeda.
……………………………………………………………………………………………………….
8: qodobka sideedaad. Cun raashin u fiican maskaxdaada iyo xusuustaada.
Inaa cuntid
raashin waxa ay kor u qaadaysaa tamarta jirkaaaga iyo maskaxdaada. sidoo kale waxay kuu sahlaysa inaa diirada saarto
waxa aad qabanaysid ama diyaarinaysid.
Kana fagow
cuntooyinka aan wax tarka kuu lahayn oo ay ka maqanyihiin nafaqaadkii uu jirka
u baahnaa, oo waxaa qaadataa cuntooyin wax tarka u leh jirkeena iyo xusuusteena
sida, malayga, ukunta, qudaarta cagaaran, looska iyo dhamaan wax yaabaha aa
kahelaysid tamarta.
Sidoo kale
imtixaanka ka kahor waa inaa cuntaa raashin fiican oo aa ka helaysid nafaqo iyo
energy. Si aadan ugu daalin imtixaanka xusuus wacana u yeelatid.
…………………………………………………………………………………………………………………….
9 Qodobka sagaalaad: diyaarso dhamaan wixii lagaaga baahan yahay imtixaanka.
Qodobkaan waxa uu
kuu tilmaamayaa inaa diyaarsatid dhamaan waxa aa u baahantahay si aad
imtixaanka u gasho, ha ahaado waqtiga lagu rabo, ahaado qalinkaaga, ha ahaado
dharka uniformka ah, ha ahaado xisaabiye ama calculator iyo dhamaan wixii kale
ee sharci ah ee u dagan imtixaanka. Madaama sharuudaha iskuulada iyo jaamacaha
kala duwan yihiin.
Kuna xisaabtan
marwalba waqtiga imtixaanka ugu yaraan inaa sodon daqiiqo kasoo hor marto ama
ka badan .
…………………………………………………………………………………………………….
10: qodobka tobnaad kan ugu danbeeya: cab biyo Fara badan.
Markaa biyaha
sifiican u cabto yacnii intii laguugu talagalay oo ah ugu yaraan sided galaas
oo biyo ah maalinkii, inkastoo aa ka badin kartid, hadana marka jirkaaga biyo
fiican leeyahay maskaxdaada waxa ay u shaqaynaysaa sida ugu fiican.
Sidaa owgeed cab
biyo badan markaa wax diyaarinaysid iyo markaa imtixaanka galaysid.
Maqaalkeena
maanta intaas ayuu ku egyahay aqriste hadaa ka heshay comment ka bixi waxa aad
ka jeclaatay maqaalka asxaabtaadana la
wadaag si ay ugu gudbaan imtixaanka mahadsanid wabilaahi towfiiq.
Muuqaalka
0 Comments